qofka doqonka ahi iyo Soomaalida
Soomaalidu waxay aad uga maahmaahday doqonta oh ah, qof aan wax garasho ficaan lahayn aan la imaan karin xilka ku toobboon. Sida darteeda, kaas oo kale ma mudna in loo baahdo.
Waxaa ka mid ahi maahmaahda doqonta:
- Doqoni xargaha lugu xiro xusulladay ku sidataa
- Doqoni qiiq kama kacdee daamankay meermeerisaa
- Doqoni saaftiin carro loogu riday sad ma moodo
- Doqoni saddex bey la weyn tahay: wax cun, wax dil, wax dhac
- Doqoni labo iyo toban indhood bey leedahay, mid shisheeye bey ku aragtaa kow iyo toban ka kale na, sokeeye ky aragtaa
- Doqoni daawi ma lahan
- Doqoni xeer ma gasho
- Doqon hadal kama dedna
- Doqon wixii casarkii lagu caayo bay cishihii kugu caaysaa
- Doqoni haddii la xafiiltamayo (kaftan), in la kala tegayo ayay mooddaa
- Arad waa dan, uskagnimadana waa doqonnimo
Soomaalida doqonnimada toban nooc ayay u kala qaybisaa, oo ah 4 bah:
- bahda kowaad
- duufleey: qofka had iyo jeer qurunka badan
- dareenleey: qofka aan dabeecadiisa aan la la qabsan karin
- daableey: wa ka uga halista badan bahdani waana markay dadka is afdhaafaan ama is qoonsadaan waxaa ka soo horreysa daabka (ama waxaa u gacanta uu ku heesto)
- bahda labaad
- xididkii-xante: qofka oo aan ka hishoon dadka xididkiisa ah
- xaajadii-ka-xoog-warrame: qofka sirtiisa meel walba la taagan oo an qarsan karin
- xiluhuu-uureeyey-xoog-moode: qofka aan si joogta ah u daryeelin xaaskiisa
- bahda saddexaad
- surin dheer ka dhaanshe: waa midiidin hawlkar ah oo danahiisa gaarka ah raacda oo aan cid kale u aabbayeelin
- soor-quureed-cune: qofka waxaa loo taago oo iska cuna (aan sharaftiisa dowreynin)
- si xun u warame: waa nin xumosheeg dhagarlow ah, faafiya war aan sal iyo raad midna lahayn
- gar-ma-gasho kamana-baxdo: waa qof aan waxba laga dhaadhicin karin
Soomaalida doqonta waxay u taqaana magacyo badan, waxaana ka mid ah:
- dabbaal
- dhoohane
- goof
- loox
- dhegweyn
- sanbac
- sawwir
- ardaal
- dammaan
- dhaadhaan
- nacas
- sacsac
- caaq
- caale
- caascaas
- Previous: heesta "Muufo Macaan"
- Next: maahmaahyo iyo murti (qaybta 1aad)